Kani waa Systembolaget

Systembolaget waa tukaano taxane ah oo ay leedahay dawladu kaas oo haysta liisaan u gaar ah oo ay ku iibiyaan khamrida.

Iibku waa bilaa faa’ido maadaama oo ay tani ku salaysan tahay barnaamij hoos u dhig mushkiladaha khamrida la xidhiidho ah. Maadaama oo aan looga gon lahayn in faa’ido laga sameeyo, wax naqu khasbaya inaanu macaamiisha ku dhiiri gelino inay wax badan iibsadaan ma jirto, sidoo kale kama iibino dadka ka yar 20 jirka.

Si aad wax uga iibsato Systembolaget, waa inaad ugu yaraan ahaataa 20 sano jir. Qof kasta oo khamri iibsanaya waa inay la yimaadaan aqoonsigooda oo da’doodu ku taal hadii aanu waydiino.

Hadii aanu ka shakino in qof ka iibinayo ama siinayo khamrida qof ka yar 20 sano jir, waxaanu u diidaynaa inaanu ka iibino.

Waxaad wax ka iibsan kartaa Systembolaget hadii maankaagu dhan yahay.